Madaxweyne Shariif oo ka qaybgeli doona shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo ka dhici doono dalka Turkiga


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaamin doono ayaa la filayaa inay uu ambabixi doonaan dalka Turkiga, si ay uga qayb galaan shir caalami ah oo laga hadli doono xaaladda Soomaaliya oo bishan ka dhici doona halkaasi.

Shirkan oo ay martigelisay dowladda Turkiga ayaa waxa qabanqaabadiisa iska leh Qaramada Midoobay, wuxuuna ka dhici doonaa magaalada Istanbuul, waxaana lagaga wada hadli doonaa sidii Dowladda Soomaaliya gacan loogaga siin lahaa wax ka qabashada ammaanka, burcad-badeedda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo qudbad uu kaga hadli doono xaaladaha ammaan ee ka jira waddanka Soomaaliya oo ay intiisa badani maamulaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladdiisa.

Shirkan oo sida lagu ballansan yahay ka furmi doona magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga ayaa waxa ka qaybgeli doona ergo ka kala socota Mareykanka, Midowga Yurub (EU), Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, waddamada deeqaha bixiya iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla.



Add New Comment