Taliyihii ciidamada Jandarmaariiga Dalka Jabuuti oo maydkiisa laga helay gurigiisa iyadoo jirkiisa ay ku yaallaan xabbado

Wararka ka imanaya waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa  sheegaya inuu  is dilay taliyihii Ciidamada Jandermariga ee dalka Jabuuti Cabdi Boqorre kaasoo  meydkiisa laga helay gurigiisa iyadoo ay  ku yaalaan dhowr xabbadood.

Hase ahaatee, ehelada taliyaha ayaa rumeysan in la toogtay,oo uusan isaga is dilin,taasoo kalliftay  dowladu inay baaritaan ku sammeyso cida ka dambeysay dilka taliyaha ciidanka Jandarmariga ee waddanka Jabuuti.

Madaxa Xisbiga PND ee dalka Jabuuti Adan Roble Cawale oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inaysan cadeyn cida ka dambeysa dilka taliyaha ,waxa kale uu sheegay qosykiisu inay qabaan in la dilay taliya.
Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka taliye Cabdi Boqorre.

 Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaan weli ka hadlin dilka sarkaalkan, waxaana lagu soo beegay dilkiisa iyadoo dastuurka wadanka Jabuuti la beddelay si loogu suurtageliyo Madaxweyne Geelle  mar sadexaad  inuu isku soo taago doorashada Madaxweynenimo ee dalkaasi.

Add New Comment