Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo gudbiyey is casilaad


Mid ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Dowladda KMG Prof. Maxamed cali Ibraahim ayaa maanta sheegay inuu warqaddii istiqaalada ee uu isaga casilayey xilkii wasiirnimo ee uu hayey dowladda u gudbiyey Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.

Prof. Maxamed Cali Ibraahim  oo hadda ah wasiirka dhaqan celinta iyo daryeelka naafada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo sababaha ka dambeeya is casilaaddiisaas, wuxuuna intaa raacay inuusan weli wax jawaab ah ka helin ra'iisul wasaaraha.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in is casilaadda wasiirku ay salka ku heyso qorshaha ay xukuumadda KMG ah ku dooneyso in golaha wasiirrada lagu soo kordhiyo xubno cusub oo ka imanaya Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah Waljamaacah ee dhowaanta heshiiska la galay Dowladda KMG, halka warar kalena ay sheegayaan in xubno badan oo ka tirsan labada gole ee dowladda ay qorsheynayaan inay is casilaan kaddib is qabqabsiga xildhibaannada barlamaank.

Add New Comment