Gaari ay wateen Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa qarax lagula beegsaday Magaalada Muqdisho



Qaraxaasi miino oo aad u xoog badnaa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku dhintay hal askari,waxaana ku dhaawacmay 4 askari oo gaarigaasi la socotay iyo 5 ruux oo rayid ah oo meesha qaraxa ka dhacay ka ag dhawaa.

Dadkii ku dhaawacmay gaarigaasi la qarxiyey ayaa waxaa loo qaaday cisbitaalka Madiina iyadoo gaadiidka gurmadka deg deg ah ay sheegeen inay maanta dhaawac badan gaarsiiyeen cisbitaalkaasi taasoo ka dhalatay madaafiic xoogan oo maanta lagu garaacay magaalada Muqdisho.
 
Ilaa iyo hadda ma jirto  cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa loo geystay gaariga ay wateen ciidamada Dowladda, sidoo kalena Dowladda ayaan ka haldin qaraxaasi loo geystay ciidamadooda.

Add New Comment