TACSI - geerida Marxuum Cabdulqaadir Cumar Abuukar

inaalilaahi[1].jpg

Waxaan anagoo aad uga tiiraanyeysan tacsi halkan uga direynaa guud ahaan walaalaheen reer Cumar Abuukar, gaar ahaan walaalaheen Cudbi Cumar Abuukar iyo Xuseen Cumar Abuukar (Caanoole) geeridii naxdinta lahayd ee ku timid walaalkood Cabdulqaadir Cumar Abuukar oo toddobaadkii hore ku geeriyooday degmada Wanla Weyn (Daafeed) ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale waxaan tacsi taasi la mid ah u direynaa xaaskii, carruurtii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdulqaadir Cumar Abuukar, asagana waxaa Allaah uga baryeynaa inuu ka waraabiyo jannadii Fardowsa, intii uu ka dhintayna uu sabar iyo iimaan Allaah ka siiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN

Geerida Marxuum Cabdulqaadir Cumar Abuukar waxa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa iyo asxaabtiisa oo kala jooga gudaha dalka iyo dibaddiisaba.

Add New Comment