Qarax maanta ka dhacay masjid ku yaalla Suuqa Bakaaraha iyo afhayeenka Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin oo ka hadlay


Dad tiradooda lagu qiyaasay 30 qof ayaa ku dhintay qaraxyo maanta duhurkii ka dhacay Majidka Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayadoo dhaawucuna uu gaarayo ilaa iyo 60 qof oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo qaraxyadaasi kaddib shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in kuwii qaraxyadaasi geystay aysan ka gaarin ujeeddadii ay ka lahaayeen oo uu ku sheegay in la doonayey in lagu waxyeelleeyo dadka muslimiinta ah.

Sidoo kale ayaa Sheekh Cali dheere wuxuu qaraxyadaasi ku eedeeyey inay ka dambeeyeen shirkado shisheeye ah oo uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin dowladda KMG ee Soomaaliya.

Qaraxyada maanta ka dhacay masjidka Cabdalla Shideeya ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Fu'aad Maxamed Qalaf (Fu'aad Shongole) oo ka tirsan mas'uuliyiinta ugu sareeysa Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, haddana lagu daweynayo rug caafimaad oo ku taalla goobaha ay Al Shabaab kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda waxa aanan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, hase ahaatee waxaa welwel weyn ka muujiyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo aad uga xumaaday in masjidka gudihiisa lala beegsado bam ayadoo waqtigaasi leysu diyaarinayey tukashada salaadda duhur ee waqtiga Muqdisho.

Add New Comment