Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarun shidaalka lagu keydiyo


Madaxweynaha dowlada Federaalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray mashruuca shidaal keydinta oo laga hirgeliyay Dekedda magaalada Muqdisho markii ugu horeysay 20 sano kaddib.

Munaasabadaan furitaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka Dekeda, Wasiirka dekedaha iyo gaadidika badda, Wasiir ku-xigeenka macdanta iyo batroolka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu xarigga ka jaray uu kusoo wareegay haamaha lagu keydiyo shidaalka noocyadiisa kala duwan halkaasoo lagu soo bandhigay sida uu qalabkani ugu diyaarsanyahay in xitaa uu baqtiijiyo hadii dab ka kaco ama qalad kale ka dhaco.

Mareeyaha dekeda Muqdisho Cabdullaahi Cali Nuur oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani uu shaqo abuur uyahay dadka Soomaliyeed marka laga reebo casriyeynta shidaal keydinta iyo nadaafad xumidii ka imaan jirtay booyadaha maraakiibta betroolka looga dhamin jiray.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Yuusf Macalin Baadiyow ayaa sheegay in masHruucan uu socday muddo ka badan 2 sano ay hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in furitaanka mashruucan uu muujinyao sida ay Soomaaliya horay ugu socoto, isagoo mahad naq gaar ah ujeediyay ganacsatada ku dhiiraday inay maalgelintan muhiinmka ah wadankooda ku sameeyaan.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu u sheegay ganacsatada Soomaaliyeed ee wadamada shisheeye maalgeliyay inay dalkooda usoo raraan si iyaga iyo qarankuba ugu macaashaan.


Add New Comment