Sarkaal sare oo katirsanaa Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdishu



kooxo ku hubaysan Bistoolado ay maanta waxay  ku toogteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Al Marxuum Barre Cali Barre oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam,Sarkaalka maanta geeryooday ayaa maalmo ka hor waxa la  sheegay in uu ka badbaaday iskuday dil oo la doonayay in lagu Khaariyo
 
goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen sarkaalka la dilay in ayan la socon wax illaala ah goorta lasoo weeraray waxana ay rassaastu ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa .

 Sarkaalkan ayaa wuxuu ka mid ahaa saraakiisha Xisbul Islaam ee sida weyn uga soo horjeestay ku-biiritaankii Shiikh Xasan Turki ee Ururka Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna horay uga tirsanaa Saraakiishii Xisbiga ee gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Ibraahim Barre Cismaan oo ah gudoomiye ku xigeenka Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir oo Warbaahinta Shir jara’id ugu qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay baari doonaan cidii ka dambeysay dilka Barre Cali Barre oo kamid ahaa Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam.
 
Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa horay looga dilay Saraakiil, iyadoo aan ilaa iyo haatan si rasmi ah loo caddeynin ciddii ka dambeysay dilka saraakiishaas.

Add New Comment