Millateriga Soomaaliya oo billaabay Isticmaalka Gaadiidka AMISOM


Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa billaabay inay si rasmi ah u isticmaalaan gaadiidka ciidamada AMISOM ay caanka ku yihiin, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreeyay oo la arko ciidammo Soomaaliya oo wata gaadiidka AMISOM.

Gaadiidkan oo ay ku buufsan tahay astaanta gaarka ah ee milateriga Soomaaliya ayaa lagu arkaa Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan gobollada ku dhow-dhow ee labada Shabeelle.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gaadiidkan ay ugu deeqday AMISOM ayna iyagu si toos ah u isticmaalaan, iyagoo arrintanna ku sheegay inay tahay tallaabo ay ciidamada Soomaaliya horay u qaadeen.

Baabuurtan ayaa ah kuwa aysan rasaastu karin, waxaaan ku buufsan rijniga ay milateriga Soomaaliya ku rinjiyeystaan gaadiidkooda, waxaana arrintani ay ka yaabisay dad badan oo Soomaaliyeed.

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Sierra Leone, Kenya iyo Itoobiya oo dhawaan kusoo biirtay ayaa waxay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan dagaallada ay kula jirto Al-shabaab oo weli gacanta ku haysa deegaanno ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

blindati.jpg


Add New Comment