Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay gacan ku heynta degmada Waajid ee gobolka Bakool


Wararka ka imanaya gobolka Bakool oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socdeen xiisado dagaal kadib markii ciidamo Ethiopian ah oo wata magaca AMISOM iyo ciidamo Soomaali ah ay ka wadeen dhaqdhaqaaq milatari.

Ciidamadan ayaa waxa ay maanta gaareen degmada Waajid oo ah magaalo muhiim ah iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaad uu ka dhacay meel u jirta 20km magaalada Waajid waxaana iska horimaadkaas kadib ay ciidamada isgarabsanaya ay gaareen duleedka magaalada Waajid.

Ciidamada oo ku hubeysan taangiyo ayaa waxaa ay fariisimo ka dhigteen gelinkii dambe ee maanta duleedka magaalada Waajid. Sidoo kale qaar ka mid ah ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa fariisimo ka samaystay garoonka dayuuradaha ee magaalada Waajid iyo xarumo kale.

Magaalada Waajid ayaa ay isaga baxeen ururka Alshabaab hase yeeshee intii aysan ka bixin ayaa waxa ay dileen nin dhalinyaro ah oo ganacsade ahaa.

Xiriirka isgaarsiinta magaalada Waajid ayaa go’an iyadoo inta badan dadkii ku noolaa magaalada ay isaga carareen kahor inta aysan ka bixin ciidamada ururka Alshabaab.

Degmada Waajid ayaa noqonaysa degmadii labaad ee ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada 24kii saac ee la soo dhaafay.

Add New Comment