Waxaa maanta duhurnimadii magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku geeriyooday Sheekh Cumar Faaruuq Cabdi Suldaan


inaalilaahi[1].jpg

Waxa maanta duhurnimadii magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Sheekh Cumar Faaruuq Cabdi Suldaan oo ka mid ahaa culimada sida weyn looga yaqiinay dalka Soomaaliya, door weynna kasoo qaatay fidinta diinta Islaamka.

Geerida naxdinta leh ee marxuum Sheekh Cumar Faaruuq waxaa la ogeysiinayaa eheladiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Sheekha oo sida la sheegay 65 jir ahaa ayaa waxa uu ifka kaga tagay 15 carruur ah iyo 4 xaas, wuxuuna dowr weyn ku lahaa fidinta diinta Islaamka.

ShCumarFaaruuq.jpg

Maamulka shabakadda www.SilGor.com ayagoo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Sheekh Cumar Faaruuq tacsi gaar ah u dirayaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan mmadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, asagana Allaah uga baryayaan inuu ka waraabiyo jannadii Fardowsa - AAMIIN -AAMIIN -


Add New Comment