Madaxweyne Sheekh Shariif oo ku guda jira socdaalkiisa waddanka Britain


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo haatan booqasho ku maraya waddanka Britain oo uu soo gaaray saakay subaxnimadii, waxaana la filayaa inuu la kulmo Ra'iisul wasaaraha dalka Britain Gordon Brown, asagoona intaas kaddib wadahadal la yeelan doona wasiirka Arrimaha Dibedda David Milliband iyo wasiirka Horumarinta Caalamiga Douglas Alexander iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Alan Johnson.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa inta uu ku guda jiro booqashada uu ku marayo dalka Ingiriiska la kulmi doona jaalliyadaha Soomaaliyeed ee magaalooyinka London iyo Birmingham oo ay deggan yihiin dad Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Inkastoo kulanka Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaare Gordon Brown uu qaadan doono waqti aad u kooban ayaa haddana waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda Soomaaliya iyo haybadda ay ku dhex leedahay beesha caalamka.

Inkasta oo Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan uu hadda ka hor BBC u sheegay in uu New York kula kulmay Raiisal Wasaarihii Britain, Tony Blair, haddana waxaa ay ahayd munaasabad ay ka wada qeyb galeen oo ay taagni isku weydaarsadeen erayo kooban.


Add New Comment