Madaxda sare ee maamulka Koonfur-galbeed oo Maanta lagu dhaariyay magaalada Baydhabo


Madoobe Nuunow Maxamed oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya iyo Maxamuud Sayid Aadan oo isna loo dooray madaxweyne ku xigeenka maamulka ayaa maanta lagu dhaariyay xaflad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xafladda dhaarinta ayaa lagu qabtay xarunta ADC-da Baydhabo oo ahayd halkii uu ka socday shirkii lagu dhisay maamulkan, iyadoo ay dhaarta goobjoog ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Dadweyne fara badan ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta, waxaana xildhibaannadii goobta dhaarinta ku sugnaa ka mid ahaa, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo dhammaantood ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Nuunow ayaa waxaa xilka loo doortay Isniintii aan soo dhaafnay isagoo lix xubnood oo la tartamayay ka guuleystay, wuxuuna noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay oo loo doorto loona dhaariyo hoggaamina maamulkan cusub oo ay dowladda Somalia kasoo horjeesatay dhismihiisa.

Munaasabada caleemo-saarka iyo dhaarinta madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaanay jirin wax wufuud heer caalami ah oo ka qayb-galay, iyadoo ergooyinkii uu shirkan u socday muddada dheer ay dhammaantood ku sugnaayeen hoolka ay dhaarintu ka dhacaysay.

Ergooyinka hoggaaminaya shirkii lagu dhisay maamulkan ayaa waxay sheegeen in maamulku uu yeelanayo gole wasiirro iyo baarlamaan, kuwaasoo ay soo kala xuli doonaan madaxweynaha la doortay iyo ku xigeennadiisa iyo golaha guurtida oo ah kuwii doortay Madoobe Nuunow.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo waxaa ka socda shir kale oo la doonayo in lagu dhiso maamul-goboleed ka kooban saddex gobol, kaasoo u muuqda inay dowladda Soomaaliya taageersan tahay.

Mas’uuliyiinta horkacaya shirkan ayaa waxay sheegeen in tooddobaadka soo socda la dooran doono madaxweynaha maamulka iyo ku xigeennadiisa, iyagoo xusay inay kasoo qaybgeli doonaan wufuud heer caalami ah oo uu ku jiro ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nick Kay.


Add New Comment