Taiyeyaashii ciidamada dowladda oo xilalkii ay hayeen laga qaaday


Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaa Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilka lagaga xayuubiyey taliyeyaashii ciidamada Xoogga Dalka, Boliiska, Asluubta iyo Nabadsugidda, kaddib markii ay sidaas madaxweynaha u soo jeediyeen Golaha Wasiirada.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa xil ka qaadista lagu sameeyey taliyeyaashaan ku micneeyey inay tahay tallaabo wax lagaga qabanayo dib-u-habeynta iyo dardar-gelinta howlaha hay'adaha ammaanka ee dowladda si loo gaaro guulo wax ku ool ah.

Taliyeyaasha xilalkoodi waayey ayaa waxa ka mid ah :

  1. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Axmed Jimcaale Geedi.
  2. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cali Maxamed Xasan (Looyaan)
  3. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Cabdullaahi Macallim Cali
  4. Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Soomaliyeed S/GUUTO  Maxamed Sheekh Xassan Xaamud.
Xil ka qaadistan lagu sameeyey taliyeyaashii ciidamada qaranka ayaa ku soo aaday xilli ay dowladdu dagaallo adag kula jirto ciidmada Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin oo ay kula dagaalamayso qaar ka mid ah gobollada dalka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Add New Comment