Dowladda wadanka Iiraan oo beesha Caalamka ugu baaqday inay wax ka qabato Xaalada Murugsan ee ka taagan wadanka Soomaaliya.



Wasaarada arimaha dibada ee wadanka Iiraan ayaa beesha Caalamka ugu baaqday inay wax ka qabato Xaalada Murugsan ee ka taagan wadanka Soomaaliya.

 

Kadib shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen maalinamidii shalay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Iiran iyo Kenya ayaa Monashiir Motaki wasiirka rimaha dibada ee wadanka Iiran waxa ku baaqay in xal loo helo dhibaatooyinka ka aloosan gudaha wadanka Soomaaliya.

 

Mottaki wasiirka arimaha dibadda ee xukuumada Tehran ayaa tibaaxay in dowladda Iran ay ka go’antahay in ay gacan ka geysato xalinta qalalaasha ka taagan wadanka Soomaaliya, isagoona sheegay in arnitaasi ay dowalada Iiran ee uu hogaamiyo Maxamuud Axmedi Nejaad  wajihi doonto iyadoo kaashaneysa Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Urur goboleedka IGAD oo kooban 7 dal oo ku yaal cirifka bari ee qaarada Africa.

 

Dhanka kale,wariirka arimaha dibada ee Iiran iyo dhigiisa Kenya Moses Watang’ula waxa ay ka wada hadleen sidii loo si xoojin lahaa xeriirka dibolmaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

 

Dhawaan ayay aheyd markii dalka Iiran booqasho uu ku tagay wasiirka arimaha dibadda ee DKMG Somalia Cali Axmed hjaamac Jangali kaasoo la kulmay madaxda ugu sar sareysa dalkaasi sida madax weyne Maxmuud Axmedi Najed, dhigiisa dalkaasi Monashiir Mottaki iyo gudoomiyaha baarlamanka Cali Laarijaani, iyadoona halkaasi ay heshiisyo dhowr ah ay ku kaa saxiixdeen mas’uuliyiinta labada dal kaasoo ku aadan xeriirka dib lumaasiyadeed ee laba dowladood iyo sidii loo taageeri lahaa DKMG Soomaaliya.

 

Add New Comment