Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay Muqdisho


Madagascar Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay maanta ka dhoofeen Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Ingiriiska oo ay ka helaan casuumaad.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah: Gudoomiyaha Maxkaamdda sare ee dalka Maxamuud Faarax Indho-buur, Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Fowziyo Maxamed Sheekh, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurille) iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee xukuumadda.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay Madaxda dalka Ingiriiska la qaataan kulamo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, sidoo kalena waxay la kulmi doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay booqdaan Magaalooyinka London iyo Birmingham oo ay degan yihiin dad badan oo Soomaali ah, isagoo sharraxaad ka siin doona xaaladda dalka uu ku sugan yahay.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaad oo uu Madaxweyne Sheekh Shariif ku tago dal ka mid ah dalalka codka xooggan ku leh Qaramada Midoobay, wuxuuna horay u booqday Dalka Mareykanka

Add New Comment