Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillo iyo Safiirada Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Wakiillo iyo safiiro kala duwan oo uu kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Kulankaan oo ka dhacay Madaxtoyada Qaranka ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  la qaatay Wakiilo iyo safiiro ka kala socday Midowga Yurub, Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD iyo dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnahaasi kala hadlay arrimo badan oo ay ugu horeysay xaaladda amni ee dalka iyo dadaallada ay dowladda ugu jirto nabad ku soo dabaallidda guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib, waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo sheegay in wakiilada iyo safiirada uu Madaxweynaha la kulmay ay ka wada hadleen arrimo ay ka midtahay mowqifkii ay dowladda ka qaadatay shirarkii iska soo horjeeday ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Waxaa maanta marti noo ahaa Wakiilada dowladaha nagala shaqeeya sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka, waxaan isla soo qaadnay dariiqa loo marayo sanadka 2016-ka, waxaan isla soo qaadnay mowqifkii dowladda ee ay ka istaagtay shirarkii ka dhacay Baydhabo, in la dhaqan geliyo heshiiskii Addis Ababa, sidii loo adkeyn lahaa amniga caasimadda iyo arrimo kale oo xaaladda dalka ku saabsan” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso  oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub ay garabtaaganyihiin sidii loo hirgelin lahaa qorshayaasha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku xaliso arrimaha amniga iyo ka shaqeynta horumarinta dalka.

Gebo gabadii waxaa isna hadal goobta ka jeediyay Ergeyga urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey ayaa hoosta ka xariiqay in ay garab taaganyihiin dadaalladda ay dowladdu ku xasilineyso amniga caasimadda, isagoo sheegay in Muqdisho ay tahay muraayadda dalka, islamarkaana amniga Muqdisho ay ka turjumeyso sawirka guud ee caasimadda.


Add New Comment