Muddada Qafiifinta Cunno-qabteynta Hubka Somalia oo la kordhiyay


Golaha_Ammaanka_ee_UN.jpgGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay xilliga qafiifinta cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya, iyadoo lagu kordhiyay sideed bilood oo keliya.

Qafiifinta cunno-qabteynta hubka Somalia ayaa soconaysa illaa bisha Oktoobar ee 2014-ka, waxaana go’aankan uu dowladda Soomaaliya u ogolaanayaa in ay soo iibsato hubka fudud, iyadoo looga digay inay soo iibsato hubka waa-weyn.

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midooba ayaa looga digay inay heshiisyo dhinaca hubka ah la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo qaraarkan uu noqonayo kii labaad oo cunno-qabteynta hubka looga qafiifiyo Soomaaliya tan iyo sannadkii hore ee 2013.

“Waxaa iska cad in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay xaalado adag oo ku saabsan la socodka iyo ka warbixinta ee hubka ay keensato, " ayuu yiri danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay, Mark Lyall Grant.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in arrinta ugu weyn ee xukuumadda Somalia looga baahan yahay ay tahay inay ka ilaaliso hubka ay soo iibsanayso inuu galo gacmaha Al-shabaab oo dagaal hubeysan kula jirta dowladda Somalia iyo AMISOM.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa dhanka kale mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, iyadoo qaraarka lagu sheegay in dhuxusha Soomaaliya aan loo dhoofin Karin si toos ah iyo si dad-ban.

Cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa waxaa la saaray sannadkii 1992-kii, iyadoo sannadkii hore uu ahaa markii ugu horreysay oo cunno-qabteynta hubka sir rasmi ah looga qaado qayb ahaan.

Dhawaan ayaa warbixin ay soo saareen guddiga la socodka cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegeen in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay hub ka iibiyeen Al-shbaaab, inkastoo dowladdu ay taas beenisay.


Add New Comment