Duqeyn culus oo caawa fiidkii ka billaabatay Muqdisho


Waxa caaw fiidkii mar qura qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka billowday madaafiic culus oo badankeeda ka dhaceysa qoriga BM-ka iyo qoryaha waaweyn ee hubka artelariga kuwaasoo laga tuurayo xarumaha ciidamada AMISOM ay kaga sugan yihiin magaalada.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta ahayd mid ka xasiloon sidii ay ahayd maalmihii lasoo dhaafay, inkastoo mararka qaar la maqlayey rasaas goos-goos ah oo laysku weydaarsanayey goobaha ay isku hor fadhiyaan xoogagga ay dirirtu u dhexeyso ee Dowladda KMG, Ahlu Sunna oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakatul Shabaab Al ujaahidiin.

Madaafiicda ayaa intooda badan ku dhacaya goobo ka tirsan waddada warshadaha iyo degmada Hodan, waxaana aad u adag in la ogaado khasaaraha ay duqeyntaasi geysanayso maadaama xilligu uu yahay waqti habeen ah.

Add New Comment