maanta wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa waxaa ka dhacay Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac


Ka dib markii ay fooda is dareen  labo gaari oo caasi ah (Homey) oo ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa la sheegayaa  shilkaasi gaari oo ka dhacay deegaanka ceelasha biyaha in ugu yaraan hal ruux uu ku naf waayey mid kalena uu ku dhaawacmay .

Qofka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa qof rayid ah oo wadada dhinaceeda marayey halkaasoo uu ku jiiray mid ka mid ah labada gaari oo isku dayeyey inuu ka wareego gaariga kale, iyadoo qofka dhaawacmayna uu ahaa qof rayid ah oo la socday mid ka mid ah labada gaari ee shilka galay.

Shilalka gawaarida ayaa ku soo badanaya wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo shilkii ugu dambeeyey ee kan ka horeeyey oo dhacay maalmo ka hor ay ku geeriyoodeen labo ruux ka dib markii uu jiiray iyagoo wadada hareer maraya gaari si xowli ah ku socday oo lugta hore ay ka baxday

Add New Comment