Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay


Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo safar shaqo dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayadoo si heer sare ahna loosoo dhaweeyey.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Ikar oo ku sime u ahaa,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,saraakiil iyo waxgarad.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Warbaahinta Qaranka kula hadlayey qeybta nasashada garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in safarkan uu kaga yimid dalka Kenya islamarkaana uu halkaasi kulasoo kulmay dhigiisa dalka Kenya oo ay ka wada hadleen xiriirka iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Kenya,dhowaanna uu imaan doono magaalada Muqdisho Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in magaalada Nairobi uu kulasoo kulmay intabadan safiirrada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya waxyaabaha ay ka wada hadleenna ay aheyd sida ay dowladaha caalamku u xoojin lahaayeen taageerrada ay siinayaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya taasina ay ballan qaadeen, safarkiisana uu guud ahaan kusoo idlaaday guul.

Safarka uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uga yimid dalka Kenya ayaa qeyb ka ah soo celinta iyo wadashaqeynta uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeelanayo Baarlamaannada caalamka.


Add New Comment