Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka soo laabtay isaga iyo wefdi uu hoggaaminayo waddanka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana si weyn garoonka Muqdisho ugu soo dhaweeyey Wasiirro, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Bulshada qeybo ka mid ah.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa soo dhaweynta kaddib Warbaahinta dowladda kula hadlay garoonka gudahiisa, waxaana uu sheegay in safarkii ay ku tageen dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uu ahaa,  u jeedadiisa sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaanee arrimo ay ka mid yihiin horumarinta dib u dhiska Soomaaliya, ammaanka iyo in la xoojiyo xiriirka labada dalka ka dhaxeeya.

Sidoo kale Dr Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xusay in kulammadii uu la soo qaatay madaxda sarre ee waddanka Isutaga Imaaraadka Carabta ay kusoo dhammaadeen guul, isla markaana ay uga mahacelinayaan sida ay diyaarka ugu yihiin in Soomaaliya ay  gacan siiyaan waqtiga muhiimka ah.

Waa Safarkii labaad ee Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu dalka dibeddiisa ku aado, iyadoo socdaalkii uu ku tagay magaalada Abu Dubai uu ahaa, socdaal kaalin weyn ku leh xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya ka caawiyo dhismaha hey’adaha dowladda iyo horumarinta ammaanka, dalka Isutaga Imaaraadkana uu ka mid yahay dalalkaasi Soomaaliya garab taagan.


Add New Comment