Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Ahlu Sunna oo la wareegay gacan ku-heynta degmada Balad Xaawo


Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta la wareegay gacan ku-heynta degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii ay dagaal qaraar halkaasi kula galeen ciidamadii Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee horey halkaasi ugu sugnaa.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG iyo Ahlu Sunna ayaa xaqeejiyey inay si buuxda ula wareegeen degmada Balad Xaawo, halka dhinaca  Xarakatul Shabaabna lagu soo warramayo inay magaalada uga baxeen xeelad dagaal ayna dhowaan dib ugu soo laaban doonaan.

Wararka laga helayo Balad Xaawo ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna ee qabsaday magaalada ay la socdeen ciidamo Ethiopian ah, ayadoona warkaasi ay beeniyeen dhinacyada la wareegay Balad Xaawo.

Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inay dagaalladaasi geysteen, ayadoo tirada dhimashadana lagu sheegay 11 qof oo ka koobnaa dhinacyadii dagaallamay iyo dhaawaca oo intaas kasii badan.

Dagaalka ka dhacay Balad Xaawo ayaa waxa uu qayb ka yahay dagaallo maalmihii ugu dambeeyey ay ku baaqayeen saraakiil ka tirsan dowladda oo sheegay inay Xarakatul Shabaab ku weerari doonaan dhammaanba gobollada ay kaga sugan yihiin dalka.

Add New Comment