Saakay waxaa degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo AMISOM oo kasoo horjeedaan xoogagga mucaaradka


 Saakay  aroornimadii hore ayaa dagaal culus oo loo adeegsaday hubka culus ayaa waxa uu dhex maray ciidamada Dowladda oo garabsiinaya AMISOM iyo xoogagga mucaaradka , kaddib markii xoogagga Mucaaradka ah ay weerarro kusoo  qaadeen saldhigyada  ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee gurigii Shaqaalaha  Jidka Maka Al-Mukarama  ee Magaalada Muqdishu, .

Inkastoo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay aan la garanayn, ayaa haddana goobjoogayaal ku sugan deegaannada lagu dagaalamay waxay sheegeen inay arkeen maydadka laba qof oo rayid ah iyo dhaawac intaas ka badan.

Madaafiic xooggan ayay ciidamada AMISOM ku garaaceen deegaanno ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag gaar ahaan xaafadaha ku dhow Suuqa weyn ee Bakaaraha, mana jirto cid si dhab ah u sheegi karta khasaaraha inta uu le'eg yahay.

Dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay ayaan weli ka hadln, iyadoo dagaal maalin ka hor ka dhacay Muqdisho uu geystay dhimashada ugu yaraan 15-qof iyo dhaawac kor u dhaafaya 50-qof oo la dhigay Cisbitaallada Magaalada Muqdishu.


Add New Comment