Taliyaha Ciidanka Booliska Oo La Kulmay Sargaal Qaramada Midoobay u Soo Magacawday La Shaqeynta Booliska


Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay sarkaalka Qaramada Midoobey ay usoo magacowday ka qeyb qaadashada horumarinta ciidamada booliska Soomaaliya.

Kulanka uu maanta la qaatay Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid sarkaalka Qaramada Midoobay ay u soo magacaawday la shaqeynta Taliska ciidamada booliska oo magaciisa lagu soo koobay Mustafe ayaa waxa goob joog ka ahaa xubno ka socday xafiiska Qaramada Midoobay iyo saraakiil kale, waxaana ajandaha kulanka sidii sargaalkaasi loogu sharxi lahaa baahiyaha jira iyo sida ay u shaqeeyaan ciidanka, iyadoo kulankaasi ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in sargaalkaasi ay Qaramada Midoobay u soo magacawday Taliska Booliska uu uga warbixiyay xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo waxyaabaha ay iminka ubaahanyihiin.

“Sargaalkan ka socda Qaramada Midoobay waxa uu noo balan qaaday in uu nagala shaqeynayo dhanka amniga, tababarrada, tayeynta ciidanka booliska iyo sidii ay u  kordhin lahaayeen taageerada ay Hay’adaha  Qaramada Midoobay booliska siin jirtay.” Ayuu yiri Jeneraal Saacid.

Sarkaalkan cusub oo ay Qaramada Midoobay u soo magacaawday inuu la shaqeeyo ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa la filayaa in uu wax badan ka kaabi doono horumarka ay hiigsanayaan ciidamda booliska.


Add New Comment