Muungaab “Isbadal dhab ah oo xagga amniga ku saabsan ayaa la dareemi doonaa maalmaha dhaw”


Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen ayaa maanta lagu qabtay Muqisho.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda, Afhayeenka Madaxweynaha, Guddoonka cusub ee gobolka iyo guddoonkii hore ee gobolka, ururrada haweenka qaranka iyo kan gobolka benaadir, fanaaniinta hobollada Qaranka Waaberi, bar baarta gaashaaman, dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Ugu horeyn waxaa munaasabadda laga akhriyay waxyaabaha u qabsoomay Maamulkii hore ee gobolka iyo qorshe howleedka ay tiigsanayaan sanadkaan inay ku dabaqaan howlaha maamulka Gobolka horyaalla.

Guddoomiye ku-xigeenka xagga siyaasadda ee maamulka Gobolka Benaadir Cali Axmed Guure oo goobta ka hadlay, islamarkaana guddoomiye u ahaa gudiga qaban qaabada ee munaasabadda xil wareejinta ah ayaa sheegay in guddoomiyihii hore ee gobolka Benaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu qabtay wax badan, isagoo intaa ku daray in guddoonka cusub uu soo dhaweynayo, islamarkaana uu u rajeeyay in uu la yimaado isbadal dhab ah.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Benaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muddadii sadaxda sano iyo barka ah ee uu hayay xilka uusan keligiisa wax ka qabanin horumarka ay Muqdisho ku talaabsatay, isagoo xusay in howshaasi ay gacan ka geysteen guddoomiyeyaasha degmooyinka  iyo shacabka gobolka ku dhaqan.

“Waxaan guddoomiye kaala dar daarmayaa in haweenka gobolka Benaadir ku dhaqan aad si gaar ah ula shaqeysid, maadaama ay haweenku yihiin laf dhabarka bulshada, sida aad ogtihiin haween badan ayaa lagu dilay gobolkani, kuwaasi oo isugu jira haween xilal degmooyin ka hayay iyo kuwa ka shaqeynayay bilic soo celinta magaalada Muqdisho” ayuu yiri Tarsan.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa balan qaaday in uu ka soo dhalaali doono howlaha loo igmaday, isagoo ka codsaday hay’adaha dowladda iyo shacabka inay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka saaran.

“Waxaan ku dadaallaynaa sugidda amniga, ka shaqeynta horumarka iyo isku xirka bulshada, teeda kale Muqdisho waxa ay hooy u ahayd isbaarooyinka bulshada lagu dhibaateynayo iyo Al-Shabaab oo dadka dhibaato kale ku haysa, waxaana iga go’aan arrimahaasi wax ka qabano” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xusay inay hagaajin doonaan isku xirka ciidamada booliska iyo nabadsugidda, si looga hortaggo falalka ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa yiri “Maamulka gobolku waxa uu ku dhaqmi donaa xeerka nabadgelyada guud gaar ahaan ee sharciga nambar 21 oo soo baxay bishii August ee sanadkii 1963, si guud ahaan gacan bir ah loogu qabto xagga amniga magaalada Muqdisho.”

Guddoomiyaha gobolka ayaa xusay in Maamulka gobolka uu la shaqeyn doono hay’adda culimada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in la sameyn doono barnaamijyo wacyigelin ah oo lagu baraarujinayo dhalinta ay qaldeen dhagar qabayaasha maleeshiyada Al-Shabaab.

“Ma ogolaan doono in muwaadin Somaaliyeed gurigiisa xoog looga haysto mana dhici doonto taas, waxaana la dagaallamaynaa dadka dukumintiyada been abuurka ah sameynaya ee dhul sharci ah ka dhigaya mid aan jirin, waxaana hiigsaneynaa in muwaadinkasta uu dareemo amni iyo cadaaladd” ayuu hadalkiisa ku daray Muungaab.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo munaaasabadda soo xiray ayaa uga mahadceliyay maamulkii hore waxyaabaha u qabsoomay, isagoo maamulka cusub ku bogaadiyay in uu dar dargeliyo howlaha uu bulshada u hayo.

mungab2014.jpg


Add New Comment