Kulan ballaaran oo lagu taageerayo howl galka Ciidamada Dowladda oo manta Muqdisho ka dhacay+Sawiro


Kulan ballaran oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha bulshada Rayidka ayaa manta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay howl galka Ciidamada Dowladda iyo dagaalada ay dhowaan qaadeen, iyadoo kulanka ay ka dhex muuqdeen waxgarad, aqoonyahano, iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga Dowladda.

Halku dhigyo xambaarsana ujeedada kulanka ayaa lagu xardhay madasha goobta kulanka lagu qabanayay, waxaana qeyb ka ahaa Hobadala qaranka oo suugaano iyo heeso wadani ah ka qaadayay goobta.

Qeybihii bulshada ee ka hadlay madasha la isugu yimid ayaa waxaa ka mid aha Maxamed C/llaahi Diino oo ka socday Jaaliyadaha Dibada, isagoo sheegay in dalka uu ka tagay isagoo 7-jir ah, isagoo sheegay inuu haatan ku faraxsan yahay inuu dalka dib ugu soo laabto oo uu ka soo tago qurbihii uu mudada ku noolaa, isagoo sheegay in dhibaatada dalka uu ku sugan yahay looga bixi karo iyadoo la iska kaashta ka hor tagida wax kasta oo dhibaato ah.

Ugaas C/llaahi Cabdi Aar oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Daarood oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada Dowladda KMG uu uga mahad celinayo guulaha ay gaareen, isagoo ku hadlayay magaca beelahaasina waxa uu sheegay inay soo dhoweynayaan ciidamada Dowladda dagaalka ay kula jirto ururka Al-Shabaab oo iyagu dalkii geliyay xaalad jaha wareer ah, burbur iyo barakacna u horseeday shacabka Soomaaliyeed.

Xaaji Muxudiin Xasan Afrax Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka G/Banaadir oo isna ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Saraakiisha ciidamada Dowladda ee shirkaasi lagu casuumay oo uu ku booriyay inay sii wadaan howlgalada dalka looga saarayo soo duulayaasha ajaanibta ah iyo kooxda Al-Shabaab ee dalka, dadka iyo diinta dhibaatada ku haya.

Admiral Guuto Faarax Axmed Cumar oo ku hadlayay magaca ciidamada Dowladda KMG ah ayaa sheegay inuu ka guddoomay hambalyada iyo taageerada ururada bulshada ay la garab taagan yihiin howlgalada ciidamada Dowladda KMG ah, wuxuuna tilmaamay in ka ciidan ahaan ay bulshada ka war dhowrayeen inay ka quustaan ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay iyagu og yihiin ujeedadooda, "Waan idinka guddoonay taageeradiina mar haddii aad ogaateen in Al-Shabaab aanay ehel u ahayn nabadda" ayuu yiri Admiral Faarax Axmed Cumar oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada Dowladda KMG ah.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka khudbeeyay Abaanduuliyaha ciidamada Dowladda KMG ah Jen. C/kariim Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa sheegay in kooxo dibada ka soo duulay ay dhibaato ka wadaan dalka gudihiisa, wuxuuna sheegay in taageerada qeybaha bulshada ay dhiirigelin u tahay ciidamada qalabka sida, wuxuuna sheegay inay sii laba laabayaan dagaalada ay dalka uga saarayaan ururka Al-Shabaab, "Qolooyinka jid iyo jaha-diidka ah waxaan hortiina ka ballanqaadeynaa inaan ka hari doonin inta ay joogaan taako ka mid ah dalka Soomaaliya" ayuu yiri Abaanduuliyaha ciidamada Dowladda Jan. C/kariim Dhegabadan.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo isna ka hadlay goobta ayaa xusay in lagama marman ay tahay in dalka laga saaro cadawga oo la iska qabto, isagoo cadeeyay inay taageerayaan howl galada ciidamada dowladda ay wadaan, si ammaanka dib loogu soo celuyo

Gabagabadii munaasabadda lagu taageerayo howlgalka Ciidamada Dowladda KMG ah ee ay soo qabanqaabiyeen ururrada bulshada rayidka ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa khudbadii gunaanadka halkaasi ka jeediyay Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo sheegay in Dowladda KMG ah ay garab taagan yihiin isla markaana isaga qudhiisa uu ka qeyb qaadanayo dagaalka dalka looga saarayo ururka Al-Shabaab.

"Dalka dhibaato ayaa ka jirta, colaad ayaa ka jirta, abaar ayaa ka jirta, waxaana ugu baaqayaa beesha caalamka inay gurmad dhinac kastaba leh u fidiyaan shacabka dhibaateysan ee Soomaaliyeed" ayuu yiri Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo halkaasi ka habaaray ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay dalka u horseedeen dhibaato aan weli soo marin.

"Al-Shabaab qamiiskooda Allaha ku gundo, qalbigooda, indhahooda caaro, dabadooda jeydal Allaha ka dhigo" ayuu yiri Imaam Maxamuud Cumar oo Alle ka baryay in kooxaha la baxay Shabaab uu ku celiyo godkii ay ka soo baxeen, wuxuuna sheegay in isagoo ku hadlaya afka duubabka dhaqanka Soomaaliyeed iyo shacabkaba inay Dowladda la garab taagan yihiin taageero hiil iyo hooba leh.

"Meelaha waxaa laga sheegayay in dowladda dhexdeeda khilaaf ka jiro meeshooda Allaha ku damiyo, dadka dhibaatada Allaha ka dulqaado, Shabaabna shartooda Allaha jebsho" ayuu yiri Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana kulanka lagu taageerayo ka soo qeyb galay in ka badan 150-ruux oo ka socday qeybaha bulshada, waxaana madashaasi sidoo kale ka qeyb galay kooxda Waaberi oo halkaasi ku soo bandhigay majaajillo iyo maansooyin halku-dhigoodu ahaa "Wax bay qabanayaan maanta wakhtiga u kordhino", iyadoo dhammaanba dadkii ka qeyb galay ay ku abuurtay shucuur iyo qiiro wadaninimo.





















Add New Comment