Ciidammo ay Xarrakatul Shabaab tababarro ugu soo gabagabeysay gobolada Bay iyo Bakool oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho




Maamulada Al Shabaab Al Mujaahidiin  ee gobolada Bay iyo Bakool waxa ay sheegeen in ay ciidamo farabadan oo loo soo xiray tababar milateri ay usoo direen gobolka Banaadir si ay qeyb uga noqdaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM



Sheekh Mahad Cumar C/kariin oo ah Wakiilka Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool oo ka hadlay  banaanbax  lagu sagootinayay boqolaal askari oo ka tirsan Ciidamada Al Shabaab waxaa uu sheegay in boqolaal askari oo tababarka u dhammaaday  ay u diraayaan Muqdisho si ay  kaga qeyb galaan dagaalada haatan ka soconaya magaalada Muqdisho, sidoo kale ay ciidamo badan ay u direen degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo .



Ugu dambaystii Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool Sheekh Mahad Cumar C/kariin waxaa ugu ku baaqay muslumiinta ku nool dalalka Itoobiya iyo Kenya inay u diyaar garoobaan dagaal ay la galaan labadaasi dal.



Munaasabadaasi waxaa kaloo ka hadleen Sheekh Rooboow Abuu Mansuur iyo Sheekh Fu’aad Max’ed Qalaf , waxayna Ciidamada Al Shabaab  ugu baaqeen inay isbadal muuqda ay ku sameeyaan dagaalada ka socda Muqdisho oo ay si dhaqsa badan ay kaga saaraan saldhigtada ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho  ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM , waxayna ciidamada dowladda u fidiyeen cafis guud  haddii ay  kasoo baxaan dhanka dowladda oo ay kusoo biiraan Xarraka Al Shabaab.

Add New Comment