Dowladda KMG ee Soomaaliya oo ka dhawaajisay in dhowaan Ahlu Sunnah ay kusoo biiri doonaan xukuumadda


Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay maanta nagaalada Muqdisho ka sheegtay in dhowaan ay Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah Wal Jamaacah ay kusoo biiri doonaan Dowladda KMF ee Soomaaliya, kaddib heshiis ay dhowaan ku gaareen magaalada Addis Ababa ee waddanka Ethiopia.
 
Golaha Wasiirrada ee Dowladda KMG ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si aad ah uga wada doodeen qodobo dhowr ah oo ay ku jirto arrinta ku saabsan heshiiskii ay dhowaantan Dowladda KMG ee Soomaaliya ay kula saxiixatay Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah WalJamaacah.

Kulankan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay kasoo wada qayb galeen xubnaha Golaha wasiirada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa shir-gudoominayey Ra’isul Wasaaraha Dowladda KMG Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.


Afhayeenka Xukuumadda KMG ee Soomaaliya Cabdulqaadir Walaayo oo warbaahinta la hadlayey kaddib markii uu kulanku soo dhamaaday ay ka warbixiyey arrimihii shirka Golaha wasiirada lagaga wada hadlay.

 

Waxa uu tilmaamay in ra’isul wasaare ku xigeeka ahna Wasiirka Maaliyada ee dowladda KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan uu sheegay in Ahlu Sunna Waljamaaca ay qeyb ku yeelato dowladda KMG Soomaaliya, isagoo tibaaxay in Ergayda Ahlu Sunna Waljamaaca ay la tashi kula soo noqotay inta ka joogta dalka gudihiisa, waxaana uu sheegay in marka uu wadatashigaasi dhamaado ay labada dhinac wada saxiixan doonaan heshiis kama dambeys ah kaasi oo ah in Ahlu Suna Waljamaaca ay ku soo biiri doonto dowladda KMG Soomaaliya.

Add New Comment