MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Kooxaha Dowladda kasoo horjeeda waa inay soo fariistaan miiska wada hadallada si ay dowladda ugu biiraan"


newshrfB.jpgMadaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ugu baaqay Xarrakatul Shaabab iyo Xisbul Islaam inay nabad-qaataan ayna la hadlaan dowladda.

"Kooxaha dowladda kasoo horjeeda ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam waa inay joojiyaan dagaallada ay kala horjeedaan dowladda ayna soo fariistaan miiska wadahadallada si loo dhameeyo khilaafyada jira" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan u baahnayn in la dhibo lana yiraahdo xabbad ayaa la idinku toosinayaa, balse ay u baahan yihiin in loo naxariisto lagana shaqeeyo midnimadooda.

"Waxaan ugu baaqaynaa kooxaha dowladda kasoo horjeeda inay nabadda qaataan, ayna dadka ka daayaan cabsigelinta, dilka, boobka hantidooda iyo inay yiraahdaan si xoog ah xukunnadeenna ku qaata" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in fulinta sharciga Islaamka aysan u baahnayn in awood loo adeegsado.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in wax ka wanaagsan nabad aysan jirin, uuna kooxaha kasoo horjeeda dowladiisa mar walba ku boorrinayo inay nabadda qaataan si loo dhameeyo dagaallada dabada dheeraaday.

"Waxaa wax lala yaabo ahayd hadalkii kasoo baxay Al-shabaab ee looga joojiyay WFP inay dadka baahan gaarsiiso gargaarka aadamnimo" ayuu yiri Madaxweyaha oo sheegay in looga baahan yahay Mucaaradka inay ogolaadaan in dadka u baahan gargaarka aadamnimo la gaarsiiyo.

Sheekh Shariif wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii ay Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca ku gaareen dalka Itoobiya, isagoo sheegay inuu yahay mid nabadeed oo lagu farxo.

"Tallaabadii ay Dowladda Ingiriisku kaga mamnuucday dalkeeda Al-shabaab waxaan dhihi karaa waxay ahayd tallaabo lala soo daahay, waana soo dhaweynaynaa waayo dhibkooda wuxuu ka muuqdaa dalka gudihiisa, calaamka waxaan ugu baaqaynaa inay tallaabadaas oo kale qaataan" ayuu Sheekh Shariif kaga jawaabay su'aal ahayd sida uu u arko go'aankii Ingiriiska uu ka qaatay Xarrakada Al-shabaab.

Dhanka kale, wuxuu si aad u weeraray Burcadbadeedda isagoo ku tilmaamay kooxo dhibaatooyin ku haya dalka Soomaaliya, wuxuuna calaamka ka codsaday inay dowladdiisa gacan ka siiyaan sidii ay u ciribtiri lahayd.

"Lacagaha kooxaha burcadbadeedda ah laga siiyo maraakiibta ay afduubaan waxay khatar weyn ku yihiin ammaanka shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirka Jaraa'id ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu soo beegay iyadoo lagu wado in todobaadka soo socda uu booqasho ramsi ah ugu kicitimo dalka Ingiriiska, halkaasoo uu kula kulmi doono madaxda dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.


Add New Comment