Ciidamo loo tababaray la dagaallanka Argagixisada oo dalka ku soo laabtay


Ciidamadan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ee maanta lagu wareejiyey Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Tababar ku soo qaatay dalka Talyaaniga, waxa ayna maanta ku soo laabteen dalkooda, munaasibadda lagu soo dhaweynayey oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaa ka qeybgalay Wasiirka Malaaliyadda, Safiirka dowladda Taligaaniga u  fadhiya Soomaaliya, saraakiil sarre oo ka kala tiran Booliska Soomaaliya iyo Militeriga dalka Taliyaaniga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Xuseen Cabdi Xalane, ayaa saraakiisha Tababarka ku soo qaadatay dalka Talyaaniga mid mid u gacan qaaday, waxaana ciidamadaasi laga kala qaaday magaalooyinka Muqdisho, Hergeysa iyo Garoowe, waana ciidan loogu talagalay ilaalinta Canshuuraha Berriga dalka.

Jeneraal Garaad Nuur Cabdulle oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed  oo munaasibadda ka hadlay  ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto Tababarka ay siineyso ciidamada Booliska, islamarkaana uu rajeynayo in ay sii socoto howlaha lagu tababarayo ciidamada.

Sidoo kale safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Andrea  Mazzella, ayaa tilmaamay in kaalmada dowladda Talyaaniga ay siineyso Soomaaliya in ay sii xoonjin doonto, waxaana uu intaa raaciyey in ciidamadan Tababarka ku soo dhameystay dalka Talyaaniga in ay Tababarkooda uusan ku ekeen ilaalinta Canshuuraha, hasa yeeshee ay u Tababarran yihiin la dagaallan argagixisada.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in saraakiishan loo Tababarray ilaalinta Canshuurraha Berriga iyo la dagallanka argagixisada in ay daliil u tahay Wanaagga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, Waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Wasiirka dowladda Taliyaaniga sida ay u caawineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ku soo Tababartay dalka Taliyaaniga ee loo Tababarray ilaalinta Canshuurraha Berriga, ayaa ka howlgeli doono gudaha dalka, iyadoo tirada ciidamadan ay gaarayso 20 sargaal.


Add New Comment