Xukuumadda KMG ee Soomaaliya oo qaadacday ka qaybgalka Shirka QM ee Nairobi


Golaha Wasiirrada xukuumadda KMG ee Soomaaliya  ayaa maanta si cad ugu gacan seyray shir uu shalay ku baaqay ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mr. Augustine Mahiga oo ka dhici doona magaalada Nairobi bisha soo socota ee April.

Mr. Mahiga ayaa mar uu shalay booqasho gaaban ku tagay magaalada Muqdisho sheegay inuu Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ra'iisul-wasaarahaba ku martiqaaday shir ka dhici doona magaalada Nairobi, shirkaasoo uu ku sheegay inuu yahay mid wada tashi oo aan wax go'aanno lagu gaari doonin.

Booqasha Mr. Mahiga ayaa timid xilli uu cirka isku sii shareerayo qilaafka u dhexeeya madaxda Dowladda KMG ayadoo dhowaan Golaha wasiirrada Dowladdu uu go'aan ku qaatay in xukuumadda hal sano loogu kordhiyo xilliga jiritaankeeda, lana joojiyo doorashada Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynahaba, waxaana markaas ka hor jiray go'aan kale oo uu qaatay barlamaanka oo uu waqtiga ku dheereystay muddo 3 sano ah.

Xukuumadda Ra'iisul-wasaare Farmaajo ayaa waxa ay caalamka ka codsatay in ayada loo daayo wixii go'aanno ah ee ku saabsan Soomaaliya oo aan lagu faragelin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Adan ayaa asaga dhankiisa sheegay inuu ka fekerayo sidii uu ka yeeli lahaa martiqaadka ergayga Qaramada Midoobay ee shirka magaalada Nairobi, mar dambena uu jawaab ka bixin doono.

Add New Comment