Guddoomiye Jawaari oo ku biiray wafdigii madaxweynaha ee ku sugnaa magaalada Baydhabo


Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo uu horey ugu sii suganaa madaxweynaha J.F. Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas'uuliyiin la socotay.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayey oo maanta halkaas gaaray magaalada ayaa iminka ku sugan xerada 60-aad oo uu madaxweynuhu  kula kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Ethiopia,  kalana hadlay howlgallada gobolka lagaga saarayo dagaalyahannada Al Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo la leh Masuuliyiinta maamulka gobolka Bay iyo waxgaradka ku nool gobolkaasi, waxaana la filayaa in madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamaankaba ay kulamo la qaataan maamullada iska soo horjeeda ee dhowaantan lagaga dhawaaqay magaaladaasi (6-da gobo & 3-da gobol).


Add New Comment