Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha bulshada ee gobolkaasi kudhaqan, iyadoo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala duwan iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha socdaalkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda waxaana u jeeddada socdaalka ay la xiriirtaa sidii uu Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay u ogaan lahaayeen xaaladaha dhabta ah ee ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen doorashooyin iska soo horjeeda.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Baay Siraaji ayaa soo sheegay in si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo, iyadoo inta ay halkaasi joogaan ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan qeybaha bulshada ee gobolkaasi ku dhaqan, si xal looga gaaro siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka taagan gobolkaasi.


Add New Comment