Madaxweyne Shariif oo kulan la qaatay Sarakiisha ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM


Madaxweyne Sharif, Taliyaasha AMISOM iyo Kuwa Milatariga dowlada oo ka xaajooday duulaanki ugu danbeeyey ee ka dhankan ah Shabaab

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha Ciidamada milateriga Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, kulankaasi waxaa looga xaajooday  xaaladaha dagaal iyo duulaanka ay Dowladda KMG ah ay qaaday Xooggaga mucaaradka



Kulumadaas  waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga C/Xakiim Fiqi,Taliyaha Ciidamada qalabka sida General Axmed Maxamed (Cirfiid) iyo Taliye ku xigeenbka ahna Abaanduullaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed C/kariim Yuusuf (Dhegabadan), sidoo kale taliyaha ciidamada AMISOM  Jeneraal Nathan Mugisho

Xaaladda dagaal oo ay galeen ciidamada  Dowladda iyo kuwa AMISOM  si ay Muqdisho kaga saaraan Ciidamada Al Shabaab Al mujaahidiin ayaa guulihii ay gareen  maalmihii lasoo dhaafay  waxaa garab socday  ciladdo in la saxo lama huraan noqotay , taasoo ah madaafiicda sida qaldka ah ciidamada AMISOM  u tuurayaan ayadoo loo meeldayin , kuwaasoo ku dhaca guryaha  shacabka , kadibna ay ka dhashaan qasaar  naf iyo maalba leh.

Add New Comment