War saxaafadeed kulanka Golaha Wasiirada iyo magacaabistii Taliyeyaasha Ciidamada Xooga dalka iyo Booliska


Waxaa maanta shir aan caadi aheyn isugu yimid golaha wasiirada ee xukuumada Federaalka iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) shirkaasi waxaa loo qeybiyay Ajanede ku saabsanaa magacaabida taliyeyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuxigeenka taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu golaha u sheegay in magacaabida taliyeyaashan ay muhiimad weyn u leedahay fulinta howlaha amniga qaranka sidaasi daraadeed wuxuu ka codsaday wasiirka gaashaandhigga ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi inuu golaha u soo jeediyo hindisihiisa ku saabsan magacaabida taliyaha xoogga dalka.

Wasiirka gaashaandhigga oo ka hadlayay taliyaha cusub ee xoogga dalka wuxuu sheegay inuu u soo jeedinayo golaha in G/le sare Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini loo magacaabo taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in G/le sare C/qaadir Sh. Diini uu yahay sarkaal waaya aragnimo dheer u leh maamulka xoogga dalka wuxuuna soo qaaday wasiirku isagoo ka hadlayay taariikh nololeedkiisa inuu noqday taliye kuxigeenkii xoogga dalka mudadii u dhaxeysay 1987-1989, sidoo kale wuxuu soo noqday taliye ka ahaa dugsigii tababarka ciidanka ee Bali-doogle 1982-1985, 1979-1980, wuxuu noqday taliyaha Booliska/ Millateriga (Police force), haatana wuxuu ahaa La-taliyaha arrimaha ammaanka ee xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, iyo caalamka.

Heerkiisa waxbarashada.

1989-1990 Us army Carlisle, PA U.S.A.
1986-1987 Us army Command and General Staff College, PA, U.S.A
1986 Us army John F. Kennedy Special Warfare Center and School, Fort Bragg, NC U.S
1972-1974 Military Academy, Odessa, Ukraine

Luqdaha uu ku hadlo

1. Somali
2. English
3. Arabic
4. Russian

Warbixinta Wasiirka gaashaandhiga uu ku tilmaamay waaya-aragnimada shaqo iyo heerkiisa waxbarashada ee taliyaha cusub kadib, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu golaha u jeediyay in cod loo qaado magacaabida taliyaha xoogga si loo ansixiyo.

Dhamaan Golaha wasiirada waxay isku raaceen in G/le sare C/qaadir Sheekh Cali Diini uu noqdo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kolkaa kadib Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu golaha u soo jeediyay in Booliska Soomaaliyeed loo magacaabo taliye cusub iyo kuxigeenkiisa wuxuuna ka codsaday Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax inuu golaha u faah faahiyo hindisihiisa ku aadan taliyaha cusub waaya-ragnimadiisa shaqo iyo heerkiisa waxbarashadada

Wasiirku wuxuu golaha u sheegay in G/le sare Dr. Shariif Sheekhunaa Maye uu soo jeedinayo inuu noqdo taliyaha Booliska Soomaaliyeed kuxigeenkiisana uu noqdo G/le sare C/xakiin Daahir Saciid Xaashi.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka hadlayay G/le sare Dr. Shariif wuxuu sheegay inuu yahay jaamici dhanka sharciga, waxna ku bartay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed.

1970 ayuu ku biiray tababar dembi barista una tegay dalka Talyaaniga (Aplicazione die Carabinieri)
1985-1987 Studied af Financial Law in Rome (Italy) at Scuola Applicazione dei Scuola Superiore della Plizia Tributaria (Ciidanka illaalinta canshuuraha)
1980 waxaa loo magacaabay kuxigeenka xeer illaaliyaha guud ee Maxkamadii Badbaadada Qaranka
1981-1983 wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamada badbaadada Qaranka ee gobolada Galbeed ee Soomaaliyeed
2001- wuxuu xubin ka noqday baarlamaankii dowladdii TNG Carte

Luqdaha uu ku hadlo

1. Somali
2. Italian
3. Swedish
4. Swahili
5. English

Warbixinta wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee ku aadaneyn waaya-aragnimada iyo heerka waxbarasho ee taliyaha Booliska Soomaaliyeed Dr. Shariif Sheekhuna iyo kuxigeenkiisa C/xakiin Daahir Saciid kadib, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu golaha u jeediyay in cod loo qaado taliyaha Booliska iyo kuxigeenkiisa.

Dhamaan golaha Wasiiradu waxay isku raaceen magacaabida taliyaha Booliska ee cusub Mudane Dr. Shariif Sheekhuna Maye iyo kuxigeenkiisa mudane C/xakiin Daahir Saciid (Saacid).

Xafiiska afhayeenka Xukuumada
Mudane Cabdi Xaaji Gobdon
[email protected]

Add New Comment