Mudaaharaad ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga soo horjeedo howlaha qabriyo burburinta oo ay wado xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin.


Banaan bax balaaran  oo ay soo qabanqaabiyeen Dowladda iyo culimada dariiqooyinka oo lagu diidan yahay qodista Qabriyada  Culummada  ayaa maanta ka dhacay Degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Mudaaharaadayaasha oo tiradoodu gaaraysay boqolaal qof ayaa waxay isugu jireen caruur, haween iyo dad waaweyn iyagoo isugu soo baxay barxadda Nasiib-buundo ee degmada Boondheere halkaasoo ay kula hadleen mas'uuliyiin kala duwan.

Soomow wuxuu sheegay in ay dagaal lageli doonaan Al Shabaab hadii ay sii wado burburinta ay ku hayso qabuuraha ay aadka u qadariyaan dariiqooyinka kala gedisan ee culimada suufida.

Muxudiin Xasan Afrax oo katirsan waxgaradka Beesha Mudulood oo isna Khudbad ka jeediyay mudaaharaadka ayaa sheegay in ay dagaalka soo geli doonaan Ururada Bulshada rayidka ah hadii ay shabaabku sii wadaan qarbri qudista waan ka hortagi doonaa.

waxa kale uu yiri Afrax Arrintan waxaa ka dambeeyaan dad shisheeye ah, waxaana lana doonayaa in la tirtiro taariikhda fiditaanka diinta Islaamka ee Soomaaliya .

Si kastaba ha ahaatee Mudaaharaadkii Shabaabka ka dhanka ahaa ee Muqdisho ka dhacay ayaa muujinayay sida loo diidanyahay Burburinta qabuuraha .


banaan.jpg

Add New Comment