Midowga Afrika oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in xayiraad lagu soo rogo garoomada iyo dekedaha ay maamulaan Al Shabaab


Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in xayiraad dhinaca garoomada diyaaradaha iyo dekedahaba ah lagu soo rogo goobaha ay ka taliyaan Xarakatul Shabaab ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in haddii xayiraaddani dhaqan gasho ay gacan ka geysan karto in Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin laga hor istaago dagaalyahanno shisheeye oo dibedda uga yimaada kuwaas oo sii huriya colaadda haatan ka taagan Soomaaliya, waxayna sidoo kale warbixintu sheegtay in isticmaalka garoomada dayaaradaha iyo dekedahaba uu Shabaabku kasoo galo dhaqaale.

Baaq noocaan oo kale ah ayey Golaha Wasiirada ee Soomaaliya horey ugu direen Midowga Afrika si uu ugu sii gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii sida la sheegay lagaga shakiyey inay dalka Soomaaliya soo gaarayaan dagaalyahanno shisheeye oo ka barbar dagaalamaya ciidamada Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.


Add New Comment