Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in shacabka kusoo barakacay agagaarka Afisyooni in laga rari doono.


 Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay maanta in maamulka Gobolka uu burburin doono asagoo kaashanaayo ciidanka AMISOM deegaannada cusub ee laga dhistay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada  Muqdisho.

Shir jaraa'id oo uu qabtay Xoghayaha Gobolka C/kaafi Hilowle Cismaan ayuu si weyn uga hadlay qorshahan iyo waxay dowladdu ka damacsan tahay goobaha ay ka saarayso dadka rayidka ah.

"Goobaha laga saarayo dadka rayidka ah waan ku baahinaynaa illaa KM4 halkaasoo la dajin doono ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM si ay u sugaan ammaanka guud ee garoonka diyaaradaha" ayuu shirkiisa Jaraa'id ku sheegay C/kaafi Hilowle.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in maamulka Gobolka uu go'aan ku gaaray inuu sii wado howlaha lagu burburinayo guryaha sharcidarrada ah, si loo sugo ammaanka guud ee garoonka iyadoo aanay maanta jirin wax burburin ah.

Afasiyooni oo uu shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya dabley hubeysan oo gacan ka helaya ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo Booliiska Dowladda ayaa saakay daggan, iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin ciidamadii halkaas daganaa.

Dadweyne kale oo halkaas daganaa ayaa bilaabay inay isaga baxaan guryahooda iyagoo ka baqdin qaba inay dagaallo kale ka dhacaan, waxaana dadkaas qaarkood ay sheegeen in la doonayo in halkaas laga dhigo garoon uu kasoo dago Jaadka.

Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa sheegay in guryaha ku dhexyaalla Afasiyooni ay daganaan doonaan dadkii ka tirsanaa Ciidamada Cirka ee Soomaaliya, balse baaritaanno lagu sameyn doono inay xiriir la leeyihiin Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Add New Comment