Ku Simaha Madaxweynaha Oo Ka Qeybgalay Sanad Guurrada 40aad Ee Ololihii Hormarinta Reer Miyiga


Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeybgalay munaasabad lagu maamuusayey sanad guurrada 40aad ee kasoo wareegatay hirgelinta Ololihii Hormarinta Reer Miyiga.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaana kale oo kasoo qeybgalay Ku simaha Ra’isulwasaaraha Dalka, Wasiirro,Xildhibaanno,Aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ciise Axmed Guraase oo ugu horeyn Munaasabadda ka haday ayaa tilmaamay in ujeedada ay Wasaaradda Waxbarashadu u qabatay Munaasabaddan ay tahay muujinta guushii laga gaaray Ololihii hormarinta reer Miyiga iyo baahida maanta loo qabo in la hormariyo qorista iyo Akhrinta Afkeenna Hooyo,wasaaraddana ay wado qorsheyaal lagu hormarinayo.

Ku simaha Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Ra’isulwasaare ku xigeen iyo Wasiirka Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ka hadlay qorshaha Xukuumadda ee la xiriira hormarinta Afka Soomaaliga iyo guud ahaanba Waxbarashada Jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya oo uu tilmaamay iney muhiimad gaar ah uga jirto qorshayaasha Xukuumadda.

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa faah faahiyey marxaladihii uusoo maray qorista Afka Soomaaliga iyo ololihii Hormarinta reer Miyiga waxaana uu dhanka kale ku simaha Madaxweynaha ka hadlay muhiimadda ay leedahay Waxbarashada iyo Afka Soomaaliga oo lasii hormariyo xiligan taasi oo lagama maarmaan ah.

af somali.jpg


Add New Comment