Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait


Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Midka Qorshaynta iyo Safiirada qaar ee Soomaaliya u fadhiya Wadamada Carabta.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkan kuwait  C/qaadir Amiin Sheekh oo ugu horeyn munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in Soomaalida kunool Dalka Kuwait ay yihiin dad isku duuban mar wlibana jecel inay garab istaagaan Dowladooda .

Sidoo kale Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait Maxamed Axmed Khumeyni ayaa isna kahadlay dhibaatoyinka ay ku qabaan Dalkan kuwait.

Maxamed Axmed Daahir oo ah Gudoomiyaha Gudiga qabanqaabada xaflada lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha ayaa ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga go’antahay inuu mar weliba dhageysto codka Dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka ayaa u sheegay xubnaha Jaaliyadda inay ka shaqeeyaan sidii Dalkoodu horay ugu soconlahaa isagoo uga warbxiyay halka ay marayaan dagaalada lagula jiro argagaxisda Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud  ayaa Dalka kuwait ku jooga  Booqasho isaga oo ka qayb galay Shir-madaxeedkii Jaamacadda Carabta eoo Sanadkan lagu qabtay Dalka Kuwait.

ku8.jpg


Add New Comment