Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti


Madaxweynaha jamhuuriayadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane xassan sheekh Maxamuud oo kusugan dalka Kuwait ayaa kulan saacado dheer qaatay la yeeshay madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ay dalkiisa ciidamo kajoogaan Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Amisom.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood maadaama ay Jabuuti ciidamo usoo dirtay dalkeena islamarkaana ay door weyn ka qaadatay xal u raadinta Soomaaliya intii lagu guda jiray sanadihii burburka, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dhigiisa dalka Jabuuti dadaalka uu ugu jiro nabadeynta dalkeena

Sidoo kale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in dowladiisu ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagantahay walaalaha Soomaaliyeed si loo soo afjaro argagaxisada si eysan ugu baahin dalalka gobolka oo dhan.

kulanka madaxda.jpg


Add New Comment