Dowladda Switzerland oo Soomaaliya ka taageeraysa dhanka arrimaha Federaalka


Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibeda Burci Maxamed Xamza iyo safiirka Switzerland ee Soomaaliya Domanic Langenbacher ayaa waxa ay ka hadleen arrimo ay ka midyihiin sidii dowladda Switzerland ay Soomaaliya gacan uga siin lahayd hirgelinta arrimaha Federaalka ah iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Safiirka dowladda Switzerland ee Soomaaliya Mr Domanic ayaa ugu horeyn ku-simaha Wasiirka Arrimaha dibedda uga mahadceliyay sida uu u soo dhaweeyay, isagoo u gudbiyay sida dowladda Switzerland ugu faraxsantahay booqashii uu Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ku tegay dalkaasi, waxaana uu tilmaamay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa arrimo fara badan oo ay ugu horeyso xagga federaalka ah.

Mudane Burci Maxamed Xamza ayaa isna dhankiisa tilmaamay in Wasaaraddu ay gacan ka geysanayso sidii safiirka loola kulansiin lahaa hay’adaha kale ee dowladda.

25kii bishii February ee sanadkan ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu warqadihiisa aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomiyaha safiirka Dowladda Switzerland ee Soomaaliya Domanic Langenbacher


Add New Comment