Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo hal sano ku darsatay muddadii uu waqtigeeda ku ekaa


Kulan aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirada isugu yimaadeen ayay ku go'aansadeen in ay hal sano ku darsadaan mudadii ay ugu ekeyd dowladda oo ku aadan bisha August ee Sanadkan.

Kulankaan oo shir guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayay ku go'aansadeen in muddo sanad ah loogu daro hay'adaha dastuuriga ah ee dowladda, taas oo ay ka bilaabaneysa bisha Agoosto ee sanadkan, kuna dhammaan doonta bisha Agoosto ee sannadka 2012

Wasiirka distuurka iyo arrimaha Federaalka Maxamuud Maxamed Boonow ayaa saxaafadda shir jaraa'id ugu faahfaahiyay in muddada sanadka loo kordhiy Xukuumadda looga baahan yahay howlo ay ka mid yihiin:

·        Dhismo Ciidan oo Dhameystiran  lehna Tiro, Tayo, Qalab & Hoggaamin.
·        Soo Celinta Guud ahaan Amniga Dalka  ( Mudo Kooban).
·        Dowlad Wanaag.
·        La-dagaallanka Musuqmaasuqa.
·        Dhameystirka Dastuurka Qabyada ah.
·        Ka Saaridda Dalka Nidaamka KMG & Gaarsiinta  Dawlad Rasmi ah.
·        Tayeynta Shaqaalaaha Dowladda & Abuurista  Shaqooyin dheeriya.
·        Daryeelka Bulshada  & Gaarsiinta Gargaarka.
·        Dib-u-dejinta barakacayaasha.
·        Dib-u-heshiisiin dhameystiran.
·        Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Qodobo kale

Go'aankan ayaa wuxuu ku soo beegmay xili uu jiro khilaaf dastuuri oo u dhexeeyo madaxweynaha  iyo Guddoomiayah Baarlmaanka Soomaaliya.
Go'aankan ayaa waxaa la horgeyn doonaa baarlamaanka, si uu u ansixiyo, ayadoo ay jirto in baarlamaanka uu horay u go'aamiyey in doorashada madaxweynaha la qabto bish Agoosto ee sanadkan.



Add New Comment