Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay gacan ku heynta degmada Ceelbuur


Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay maanta si buuxda ula wareegay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, taasoo xarun weyn u ahayd xoogagga Xarakada Shabaab ee gobollada dhexe.

Afhayeenka hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Col Cali Xumad ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in AMISOM iyo ciidamada dowladda ay degmadaasi si buuxda ugala wareegeen xoogagga Shabab oo muddo dheer halkaasi ka talinayey.

La wareegidda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay maanta la wareegeen degmada Ceelbuur ayaa waxa ay qayb ka tahay duulaan ballaaran oo maalmihii u dambeeyey ay ciidamada is-baheysanaya Shabaab kaga saarayeen degmooyin fara badan oo ku kala yaalla gobollada Galguduud, Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Bakool, Bay iyo Gedo, ayadoona tallaabadan tan xigta la sheegayo in ay ku wajahan tahay degmooyinka gobollada Galguduud ee weli ku harsan gacanta Shabaab.

Add New Comment