Ra'iisul-wasaare Cabdiweli oo magaalada Kampala kaga qaybgelaya shirka IGAD ee ka hortagga abaaraha


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  xalay gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Yugandha, waxaana wafdiga ra’iisul- wasaaraha ku soo dhoweeyey garoonka madax ka tirsan dawladda Yugandha, safiirka Soomaaliya u fadhiya Yugandha iyo weliba ku-xigeenkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shirka ka hortagga abaaraha ee dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD, waxaana shirkan oo furmay 24-kii bishan looga hadlayaa sidii looga hortagi lahaa abaaraha iyo biyo yaraanta ka jirta degaanada miyiga ah, si looga hortago abaaraha ka so bilowda biyo yarida iyo daaq la’aanta.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa shirka u fadhiyey khubaro iyo guddiyo farsamo kuwaasoo sii diyaarinayay qorsheyaasha shirka, waxaana maanta la filayaa inay si rasmi ah u fariistaan wasiirrada dalalka IGAD ee qaabilsan abaaraha, beeraha iyo xannaanada xoolaha, iyagoo ka doodi doona qodobbo badan oo ay kamid yihiin: sidii loo heli lahaa ceelal iyo dhul-daaqsimeed ballaaran.

Shirkan ayaa soo xirmi doona maalinta beerri ah oo ku beegan March 27, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno wax ku ool ah oo looga gaashaamanayo musiibooyinka abaaraha iyo nabaad guurka degaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka Soomaaliya maadaama ay ka jiraan abaaro iyo biyo yari, wuxuuna xusay in go’aanada kasoo baxa ay si dhaqso ah u saameyn doonaan degaannada Soomaaliya, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan mashaariicda qodista ceelasha, dhismaha goobo biyaha lagu kaydiyo iyo sidoo kale kobcinta dhirta iyo daaqa.

Add New Comment