Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad dhaxal gal ah ka jeediyay shir madaxeedka Carabta


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kuwait uga qeybgalay shir-madaxeedka wadamada Carabta isagoo ay wehliyaan wasiirka arrimaha dibedda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka qorsheynta Siciid Cabdullaahi, danjirayaasha iyo la taliyaasha Madaxweynaha ee dalalka carabta qaarkood ayaa khudbad dheer oo ka hadleysay xaaladda dalkeena Kajeediyay shirka oo sanadkan ku saabsanaa horumarinta mustaqbalka wadamada carabta.

Madaxweynaha oo khudbadiisa ku jeediyay luuqada carabiga ayaa u sheegay madaxda dalalka carbeed Halka uu xiligan marayo dalkeenu gaar ahaan arimaha horumarka ah ee kasocda iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha argagaxisada isagoo ka codsaday wadamada carabta inay kaalintooda ka qaataan howlaha dib loogu dhisayo Soomaaliya oo ay xiligan qeyb ka yihiin dalal badan oo adduunka ah.

Shirkan oo uu furay amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Bin Jaabir ayaa waxaa sidoo kale xaaladda Soomaaliya ka hadlay mas’uuliyiin ay ka midyihiin amiirka dalka Qatar,xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Nabil Al Carabi iyo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo kamid ah dalalka Ciidamada usoo diray Soomaaliya.

Sidoo kale shirka ayaa lagu bogaadiyay horumarada kasocda Soomaaliya iyo sida ay dowladda Federaalka ah uga go,antahay inay dalka kusoo celiso xaalad deganaansho buuxda ah,

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo lagana soo saaro qodobo muhiim ah oo kasoo Baxo gaba-gabadiisa.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah Magaalada Kuwait kula qaatay mas’uuliyiin katirsan dalalka Iraq,Libiya, Qatar kuwaasoo ay ka wada Hadleen sii xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya labada dal iyagoo isku soo qaaday sidii ay Wax wadaqabsi u yeelan lahaayeen dowladaha saaxiibka dhow ah.

shirmadaxeedCarbeed.jpg


Add New Comment