Qabriga Macallin Biyamaalow oo maanta laga qoday Degmada Hawlwadaag ee Gobalka Banaadir.



Ciidamada Al-Shabaab ayaa maanta barqadii waxay iskuweer ka qabteen  Masjidka Macallin Biyamaalow oo  ku yaalla Degmada Hawlwadaag waxayna kala fasaxeen dadkii kujiray Masaajidka kadibna waxa ay u guda galeen hawshooda Qabuur faagista oo ay maalmahani ka wadeen magaalada Muqdishu.

Sarkaal u hadlay Xarakada Al Shabaab oo goobtaasi ku sugnaa ayaa sheegay in ay Masaajidka Macallin Biyamaalow gudihiisa ay ka soo qodeen ilaa sadex Qabri ee uu ka mid yahay qabrigii Allaha -u-naxariistee Macalin Biyomaalow oo ahaa Shiikh caan ah oo halkaasi lagu siyaaran jiray sanad walba .

Markii uu dhamaaday howlagalka burburinta  ee ka socday Qubuuraha Masaajidka Biyo maalow ee degmada Hawl wadaag ayaa waxaa agagaarka masaajidkaasi ay ku soo dhaceen tiro madaafiic ah oo loo maleynayo in la doonayey in howlgalkaasi lagu carqaladeeyo kuwaasoo ka soo dhacayey xarunta madaxtooyada Villa Somalia, lamana oga ilaa hadda qasaaraha  nafeed oo ay gaysteen Madaafiicdaasi.

Madaxa la dagaalanka Shirkiyaadka ee Xarakada Mujaahidiinta  Al Shabaab Sheekh Saacid Karataay oo saxaafada kula hadlay waxa uu cadeeyay inay horay usoo faageen  ilaa 6 qabri,  Masjidka Macallin biimaalowna uu yahay  kii 7 aad, waxaan  soo bixinay Lafihii Sh. Muxudiin Celi,  Sh.Xaaji Axmed, SH. cali Cabdule,  Sheekh Cali Muumin ,Sh.Aadan Dheere oo qabrigiisa aan ka helnay sawiro ah isagoo gaalo ku dhex jiro oo Salaamaya waana soo bandhigi doonaa insha Allaah ayuu yiri Karataay.

 

Sheekh Saacid waxa uu sidoo kale saxaafadda un sheegay Qabuuraha la caabudo bur burintooda in laga soo bilaabay Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe , kadib waxaa lagu xijiyay Sh/hoose waxaa kaloo la soo bur- buriyay  Bay iyo Bakool iyo Gedo waxaana haatan ay maraysaa Muqdisho,waxaan kaloo soo bur burinay Qabrigii ninkii weyna ee keenay Dariiqada Axmadiyah Sh.Xasan Macalin Muumin oo ku yaalay  Basra waan soo baabi’inay Qubuurahooda oo cid dambe oo caabudi doonta Lafahooda ma yirto ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Sheekh Karataay.

 Dhanka kale culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca waxay cambaareeyeen howlgaladaasi qabriyada lagu qodayo ee ka socda Magaalada Muqdisho .

Add New Comment