Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Kuwait



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiigii la socday oo maanta gelinkii dambe gaaray magaalada Kuwait ee dalka Kuwait, halkaasoo uu kaga qaygeli doono shir-madaxeedka waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo sanadkan lagu qaban doono dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxa gegida dayaaradaha caalamiga ah ee magaalada Kuwait  si diirran ugu soo dhoweeyey amiirka dalkaasi Sheekh Sabaax Al-Axmed Al-Jaaber Al-Sabaax iyo mas'uuliyiinta ugu sarreysa dalkaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa safarkiisa ku weheliya mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo xafiiska madaxtooyada, ayadoona ay wasiirrada arrimaha dibedda iyo maaliyadda ee xukuumadda federaalku ay halkaasi horey u sii joogeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda oo maanta gelinkii hore ka ambabaxay garoonka dayaaradaha caalamiga ah ee Aada Cadde ee magaalada Muqdisho, ayagoona ku sii hakaday magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, halkaasoo ay si walaaltinimo ku dheehan tahay ugu soo dhoweeyeen madaxda dalkaasi.

safarka_kuwait.jpg

Add New Comment