Ra’iisul-wasaaraha oo cambaareeyey falkii lagu laayay Odayaasha Dhaqanka


Ra’iisul-wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey falkii foosha xumaa ee lagu laayay odayaasha dhaqanka kuwaasoo lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay iyaga oo ku sii jeeday guryahoodii.

Ra’iisul-wasaaraha ayaa sheegay in falkani uu yahay mid aan sal iyo raad ku laheyn Diinta islaamka, dhaqanka Suuban iyo Bani’aadanimada, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen odayaashan.

“Waa fal aad u naxdin badan, waxaana geystay kooxo manaxayaal ah oo aan laheyn damiir islaanimo iyo mid Soomaali-nimo” ayuu yiri  Ra’iisul Wasaaraha oo carabka ku adkeeyey in la dabageli doono dhagarqabayaashii falkan geystay, lana hor keeni doono Cadaaladda.

Ra’iisul-wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hogaamiyeyaasha dhaqanku waxay hormuud u yihiin nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka, waana halbowlaha bulshada Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan dhagar qabayaasha dhiigooda baneystay”.


Add New Comment